Saraakiil ka socota 15-ka xubnood ee golaha ammaanka ee QM ayaa sheegay iney ka
qeyb galayaan kulanka lagu wado in maalin ka dib uu ka furmo wadanka
Jabuuti, oo ay isugu imaanayaan ergooyin ka kala socda dowladda KMG ah
iyo mucaaradkeeda.
Saraakiil ka socota UN-ka
ayaa la sheegay in booqashooyin ay ku kala bixin doonaan wadamo Afrikan
ah, si ay ugu kuur galaan xaaladaha wadamadaasi.