Ciidamada AMISOM oo fariisin cusub ka sameystay waqooyiga Muqdisho

Ciidamada Midowga Africa ee AMISOM ayaa fariisin cusub ka sameystay
waqooyiga magaalada Muqdisho, halkaasi iyo goobo kale oo dagaalo aad u
culus ay ka socdeen tan iyo shalay galab.


Maanta ayaa dagaalo iyo duqeymo waxaa ay ka dhaceen deegaano ka tirsan waqooyiga Muqdisho.
Afhayeenka ciidamada AMISOM, Bridgye Bahoku ayaa warbaahinta u
xaqiijiyay inay fariisin ka sameysteen dekaddii hore ee duqda ee
magaalada Muqdisho.


Waxaa la arkayay gawaarida dagaalka iyo ciidamo fara badan oo AMISOM ka
tirsan oo ku sii qulqulaya fariisinkaasi cusub ee waqooyiga magaalada
Muqdisho.
Bahoku ayaa wuxuu sheegay inay suurta gal tahay inay sameystaan
fariisimo hor leh ayna ka dameysan doonaan meel walba oo ay dareemaan
inay kaga imaan karto xaalad qatar ah.


Custom Search