Ciidmada dowlada ee X-Control Afgooye oo baaritaan ka wada
Ciidamada dawladda ee ku sugan kontoroolkii hore ee Afgooye ayaa waxa ay saaka halkaa ka bilaabeen hawl galo ay ku baarayaan gaadiidka u gudbaya dhinaca suuqa bakaaraha.
Askarta ayaa joojinayay gaadiidka b.l.ka ah iyo kan sida gaarka ah loo wato iyadoona la baarayay.
Hawl galkan intii uu soconayay ma jirin wax ay ku soo qabteen Ciidamada Dawladda keliyana ay howshoodu ahayd mid ay ugu kuur galayeen gaadiidka halkaa isaga gudbaya.
Dadka rakaabka ah ee la socda gaadiidka b.l.ka ah ayaa dhibsanayay baaritaanada ay halkaa ka sameynayeen Ciidamada Dawladda in kastoo dadka rayidka ah ee la socda gaadiidkaas aan wax dhibaato ah uga imaan dhinaca ciidamadii baaaritaanka Samaynayay.
Baaritaanka ay maanta ka bilaabeen Ciidamada dawaladda wadada warshadaha ayaa nqonaya kii u horreeyey ee halkaa laga bilaabo tan iyo markii ay xiran tay wadadii maka al mukarama oo inta badan lagu arki jirey maalin walba ciidamo kuwo dawladda ah oo halkaa baaritaano ka wada.
Si kasta ha ahaatee baaritaanadan ayaa inta badan noqda kuwo soo noq noqda isla markaana lagu baarayo gaadiidka isaga goosha gudaha magaalada Muqdisho.
