Dagaal ka soconayey maanta magaalada Muqdisho iyo Alshabaab oo guulo ka sheegtay
Afhayeenka Xarakada Shabaab oo shir Jaraaid ku qabtay dhanka teleefonka ayaa waxaa uu sheegay in xoogaga Alshabaab ay weerar ku qaadeen xarunta Madaxtooyada ( Villa Somalia) ee Magaalada Muqdisho, iyagoo ku hanjabay inay sii wadi doonaan dagaalkooda ka dhanka ah dowladda DFKG ah.
Afhayeenka ayaa sheegay iney burburiyeen difaaci hore ee xarunta Villa Somalia isla markaasna ey khasaaro u geysteen ciidamada AMISOM iyo Dowlada oo uu ku kala tilmaamay gaalada iyo Murtadiinta.
Ciidamada AMISOM ayaa intii uu dagaalku socday iyo kadiba Duqeymo xoogleh u geystay Degmooyinka Wardhiigley, Howwadaag, Hodan, Xamarjadiid iyo Qeybo kale oo Magaalada kamida, waxaana ka dhashay Qasaarooyin Xoogan oo soogaaray Rayidka.
Cali Muuse oo kamida howlwadeenada Gaadiidka Gurmadka Degdega ah ayaa sheegay inay qaadeen dhaawacyo gaaraya 21 Qof oo ay ka qaadeen Degmooyinka la duqeeyey.
Xaalada guud ayaa haatan Dagan waxaana istaagay Dagaalada iyo Duqeymihii wehliyey, waxaana mararka qaar la maqlayaa rasaas goos goosa oo ay isweydaarsanayaan dhinacyadu.
