Dagaalo iyo duqeyn ka dhacday waqooyiga magaalada Muqdisho.

Dagaal qaraar ayaa saaaky ka dilaacay degaanada waqooyiga Muqdisho kadib markii ciidamo ka tirsan Alshabaab weerareen fariisimo ey degmada C/casiis ku leeyihiin ciidamada DFKG ah.

Intaas kadib ayaa Madaafiic  lagu asqeeyay Xaafadaha Waqooyi ee Muqdisho yadoo aan weli la ogeyn khasaaraha soo kala gaaray dhincyada dagaalku dhexmaray.
Ilo Caafimaad ayaa waxa ay sheegeen in ugu yaraan 2 ruux ay ku geeriyoodeen , 5 kalena ay ku dhaawacmeen dagaalkaasi oo xoogiisa inta badan uu ka dhacay agagaarka Hotel Global , waxaana huganka Madaafiicda deegaanadaasi saaka lagu duqeeyay laga maqlayay guud ahaan Magaalada Muqdisho.
Weerar madaafiic oo ka dhacda Waqooyiga Muqdisho ayaanu aheyn wax ku cusub dadka Muqdisho oo caado ka dhigtay maqalka wararka colaadaha iyo dagaalada , iyagoo aan arag in muddo ah dhaq-dhaqaaqyo nabadeed oo deganaanshaha caasimadda dib loogu soo celinayo.


Custom Search