Deegaanka Ceelasha Biyaha oo Ma-soomaayaal iyo iyo nin iyo naag is masaafeystay lagu karbaashay

Ciidamada Anshaxa iyo ammaanka Xisbul islaam ee deegaanka Ceelasha Biyaha ayaa maanta tacsiir Karbaash ah ku fuliyay dad la soo qabqabtay iyagoo afuran, bisha Ramadaanna aan xushmeyneyn.

Sidoo kale ciidamadan ayaa Karbaashay Nin iyo Naag lagu eedeeyay in ay is-masaafeysteen oo meel kale safray si ay isugu soo mehersadaan.

Ciidamada Xisbiga ayaa wacad ku maray in ay sii wadayaan hawlgaladan ay ku baacsanaan ma-soomayaasha iyo weliba kuwa weli ku dheggan dhaqankii Masaafeysiga ku dhisnaa.

halgankanet@gmail.com 


Custom Search