Dhegyso: Sh. Xassan Daahir "dagaalka ha nala ka joojiyo"
Guddoomiyaha Xisbul-islam Sheikh Hassan Daahir Aways, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaaladda u dhaxeeya xisbul-islam iyo Al-shabaab.
Shiiq Xassan Daahir Aweis ayaa sheegay in hadii mujaahidiinta ay dagaalamaan inay dhamaanayso rajadii. Rabitaan qabiilna ayna ka xoog badnaan diinta.
Sheikh Xassan oo BBCda la hadlayey waxaa uu ugu baaqay kooxaha Xisbul Islam iyo Alshabaab ee Jubada Hoose, in ay wada hadlaan oo joojiyaan dagaalka.
wuxuu sheegay in si nabad ah lagu dhameeyo wixii qilaaf ah.
Xisbul Islam iyo Alshabaab ayaa isku haysta meelo badan maamulka.
- Length: 8:27 minutes (7.74 MB)
- Format: MP3 Stereo 44kHz 128Kbps (CBR)
Custom Search
