Dowlada oo guulo ka sheegatay dagaal saakay lagu qaaday fariisimahooda

Ciidamada Bileyska Dowlada KMG ah ayaa guulo ka sheegtay dagaalkii saakay ka dhacay waqooyiga Muqdisho sida ey ugu warameen saxaafada qaar kamid ah saraakiisha Ciidamadu.

Taliyaha ciidamada Bileyska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin oo isaga oo kusugan halka dagaalka uu kasocdo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kooxdii saakay weerarka kusoo qaaday fariisinka ciidamada dowladda ay jebiyeen isla markaasina ay ka ceyrsadeen halkii marka hore ay kusugnaayeen.
Saakay ayuu sheegay in kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay soo weerareen laakiin ay iska dhiciyeen oo ay xittaa ka ceyrsadeen halkii markii hore ay kusugnaayeen isla markaasina degmada Kaaraan ay geeyeen waa sida uu hadalka u yiriye.

Isgoyska Sanca ayuu sheegay in ay sii dhaafsiiyeen oo ay ku shubeen dhanka Kaaraan iminkana wadada Sanca ay kusugan yihiin Ciidamada dowladda halka marii hore kooxaha dowladda kasoo horjeeda ay kusugnaayeen.
Taliyaha ciidamada Booliska Gobolka Banaadir Axmed Xasan Maalin ayaa waxa uu sheegay in rag fara badan ay uga dileen dagaalkii saakay isaga oo intaasi ku daray in meydadkooda ay saxaafadda u imaan karaan oo ay waliba daawan karaan si ay caalamka ugu soo bandhigaan xaqiiqda halkaasi ka dhacday.
Weli lama war madax banaan oo lagu caddeyn karo sheegashada dowlada iyadoo dhinaca dowlada ka soo horjeedana eysan weli ka soo bixin war u aadan dagaalka.
Xaaladda ayaa iminka u muuqata mid degan inkastoo in kastoo weli la maqlayo madaafiic ku dhaceysa meelo ka tirsan magaalada Muqdisho.


Custom Search