Feejignaan laga dareemayo Islaamiyiinta suuqa Bakaaraha iyo cabsi dadku weli qabo!

Kadib ciidamo ey soo dhoobeen dhinacyada islaamiyiintu jidaka laga soo galo Suuqa Bakaaraha shalay ayaa waxaa laga dareemayaan suuqa deganaansho walow weli laga baqayo in gacan hadal ku dhexmaro dhinacyada isku diidan siyaasada.

Feejignaan dheeri ah ayaa laga dareemaya labada dhinac iyadoo madaxdii caanka ahaa ee labada dhinac aan saakay lagu arag suuqa kadib markii halkaasi shalay lagu dilay abaanduulihii guud ee Xizbul ilslaam.

 

Shalay kaliya waxaa Suuqa lagu dilay ilaa saddex ruux oo mid uu ahaa Barre Cali Barre oo ahaa Sarkaal ka tirsan Xisbul Islaam, kaasoo ragg hubeysan ay ku toogteen gudaha suuqa.

Kadib dilkaas ayaa waxaa gelinkii dambe ee shalay lagu dilay Suuqa labo ruux oo kale, kuwaasoo aan la ogeyn cida ay ahaayeen, hase ahaatee waxay dilalkan qeyb ka ahaayeen dhacdooyin xiriir ahaa oo qaraxyo iyo dilal isugu jiray oo beryihii u dambeeyay ka dhacayay halkaas.

Suuqa Bakaaraha oo ay gacanta ku hayaan Xoogaga ka soo horjeeda dowlada ayaa waxaa laga dareemayey dhaq dhaqaaq ciidan tan iyo shalay , kadib markii Xoogag badan ay soo buuxiyeen agagaarka Suuqa.

Xoogagan oo taagan wadooyinka iyo isgoysyada Suuqa ayaa wada nidaaminta Gaadiidka isaga kala goosha, iyo howlo ammaanka lagu sugayay, mana jirto dhaq dhaqaaq intaas ka badan oo ay sameynayaan.

Ururka Alshabaab oo dowladu ku eedeysay dilka Sarkaalkii shalay ayaan iyagu beenin arrintaasi illaa iyo hadda waxaana loo maleynayaa in lagu maagay xiriiro ey ogaadeen Alshabaab ku inuu la sameeyey Sh. Axmad Madoobe oo ey jaal hoose yihiin.

Suuqa Bakaaraha ayaa ah suuqa ugu weyn Soomaaliya ayaa waxa baryahan ka jiray cabsi ay kala qabaan kooxaha Islaamiyiinta Soomaaliya.


Custom Search