Hooyo Soomaaliyeed oo Mataano isku dhegan oo nool kudhashay dalka Kenya iyo Dawlada Soomaalida oo dunida u qeyla-dhaamisay (Daawo Sawirada gabdhaha)

Hooyo Soomaaliyeed ayaa Cusbitaal ku yaal magaala Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya ku umushay laba gabdhood oo mataana ah balse isku dhegan oo wadaago xubno nolosho bani'aadmigu aysan ka maarmin sida Caloosha iyo Beerka.

Gabdhahan oo daryeel caafimaad gaar ahaan qaliin lagu kala jaro aan ka heli karin gudaha dalka Kenya ayeey Dawlada Soomaalidu dunida ka codsatay in Gurmad Caafimaad gabdhahan loo fidiyo si dunida dhinaca Caafimaadka ku horumartay Cusbitaaladooda loogu qalo.

Safiirka Soomaalida ee dalka Kenya mudane Maxamad Cali Amerika oo ku hadlayay magaca dawlada Soomaalida ayaa sheegay in ay ka dawlad ahaan codsanayaan Gargaar Caafimaad oo gabdhahan isku dhegan loo fidiyo si loo kala jaro maadaama ay isku dhegan yihiin.

hoos ka daawo sawrika gabdhaha oo isku dheghan:

 


Ka raadi google

Custom Search