Madaxweyne shariif oo mar kale maanta ka hadlay dagaalka(degeyso)

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in mas’uuliyadda dagaalada ka socda Muqdisho ay qaadnayaan dadka uu ku tilmaamay in ay yihiin dagaal doon waxaana uu tilmamay in dagaalada dibadda laga soo abaabulayo.

Waraysi gaar ah oo uu maanta oo Salaasa ah uu siiyay Idaacadda VOA, waxa uu ku tilmaamay madaxweynuhu in ujeedada dagaalku ay tahay in la wiiqo dawladda FKMG, waxaana uu ku eedeeyay kooxaha dagaalamaya in ay kursi- doon yihiin oo ay ku gabanayaan magaca Islaamka.

Mar wax laga waydiiyay goobaha la sheegay in ay ka baxeen gacanta dawladda ayaa waxaa uu sheegay in marka dagaal jiro ay wax walba suurtagalyihiin waxaase uu tilmaamay in ciidamada dawladda ay yihiin kuwa loogu talagalay adkaynta nabadda iyo horumarka.

Madxweynaha ayaa ku tilmaamay kooxaha ka soo horjeeda dawladiisa inaanay marnaba diyaar u ahayn wada-hadal ee ay yihiin kuwa ku talagalay in ay wax dilaan oo kaliya

Mar uu ka hadlayay Ciidamada AMISOM iyo joogitaankooda waxaa uu tilmaamay in ay u joogaan xoojinta nabadda isla markaana aanay shaqo ku lahayn dagaalada hadda ka socda Muqdisho.

Warysiga Madaxweynaha oo dhamaystiran kor ka dhegayso, riix falaarta


Ka raadi google

Custom Search