Naagtii adduunka ugu guurka Badneyd ee guursatay 23 nin ayaa hada dooneysa ninkii 24-aad (Daawo Sawirada)

Linda Lou Taylor waa haweney 68 sano jir ah, una dhalatay dalka Maraykanka sidoo kale-na waxa loo-yaqaanaa Linda Wolf. Haweeneydan ayaa dooneysa haatan guurkii 24-aad, iyadoo horey u soo guursatay 23 nin oo kala duwan.

Mrs Linda raggii ay horey u soo guursatay ayaa waxaa kamid ahaa sida Dambiile, Taajir, Faqiir, Khaniis, Baadari, Kabal-yeeri iyo kuwo kaloo badan.

Hadaba haweeneydan ayaa waxay dooneysaa nin ay guursata, iyadoo shaaca ka qaaday in’ay dareemeyso cidlo, bacdamaa ay tahay Garoob.

Dhanka kale guurkii ugu dheeraa ee soo mara Linda ayaa wuxuu qaatay 7 sano, halka kii ugu waqti gaabnaa uu qaatay 38 saacadood.

Guurkii ugu danbeeyay ee soo mara Linda ayaa waxay guursatay ninkii adduunka ugu guurka badnaa ee “GLYNN SCOTTY", kaasoo horey u soo guursaday 29 xaasas, halka ay Linda ku noqotay xaaskii 30-aad ee soo mara Mr Glynn.

Linda iyo Glynn oo nolol macaan ku nool ayuu geeriyooday Mr Glynn, taasoo ka dhigtay Linda mid ilaa iyo hada cidla daremeysa.

Si kastaba ha’ahaatee Linda hada waxay ku nooshahay gobolka Indiana ee cariga Mareykanka, waxayna degan tahay guri cidlo ah, iyadoo doon-dooneysa ninkii ay nolosha la-wadaagi laheyd.

Xasan Cadde
laacib143@hotmail.com
Isha Dhacdooyinka Calamka
xigasho www.dhacdo.com


Custom Search