Ogeysiis, ogeysiis, ogeysii iyo bishaaro u gaar ah Soomaalida ku dhaqan Dalalka Waqooyiga Yurub gaar ahaan Finland
Telefishinka Qaranka Finland waxaa ka soo geli Dokumentaari la magac baxay nabadda halka nin (yhden miehen rauha), waxaana sida sawirka ka muuqata jilaa ka ah Cabdullaahi Cabdi Faarax oo nabad-doone, dukaanle, xiriiriye iyo la taliye intaba ah.
Dokumentaarigani waa mid runtii haddii aad daawato safar dheer dhankaas iyo Soomaaliya, Nayroobi, New York iyo Espoo oo Finland ku taalba kula aadaya waxaadna dareemi doontaa jawi aad u kala duduwan oo naxdin, mintidnimo naf-hurid lagu laran iyo dhabar-adeygba ku jiro.
Hadal haan ma buuxiyo horay ayeey Soomaalidu u tiriye waxaa noo madal ah 20.2.2012 saacaddu marka ay tahay 21.30 (waqtiga Finlnad).
Kati Yuurus oo Dikumentaarigan min bilow illaa dhamaad gacanta ku heysay ayaa waxay warsidaha www.halganka,.net u sheegtay sida ay ula yaabtay Cabdullaahi Cabdi Faarax, waxayna ku sifeysay, Muslim khaalis ah, dhiiran, ma-quuste iyo nabad doone aan gamban.
Hoos qoraalka ku yaal guji si uu kuugu xiro ogeysiiska barnaamijka barta uu kaga jiro boga Telefishinka Yle.
Dadka aan fursadda u helin in ay daawadan habeenkaas waxaan u ballan qaadeynaa inaan dib bogeena u soo gelin meel ay dib uga daawan karaan haddii Alle Idmo.
