Ra'iisal wasaare Sharma'arke "Aniga iyo Madaxweynaha Khilaaf Shaqsiyadeed nagama dhexeeyo ee waxaan isku heysnaa waa Dastuurka la qoray"
Ra'iisal wasaare Cumar Cabdi Rashiid Cali Sharma'arke oo haatan magaalada Nayroobi ku sugan ayaa ka hadlaya khilaafka u dhexeeya isaga Madaxweynaha Soomaaliya meesha uu ka dhashay iyo waxa sababay.
Sharma'arke oo u xog-waramayay idaacada BBC laanteeda afka Soomaaliga ku hadasha ayaa daboolka ka qaaday in Madaxweyne Shariif iyo isaga shaqsiyan uusan ka dhexeyn wax khilaaf shaqsiyadeed ah balse ay ku kala boodeen dastuurka cusub ee dhowaan loo diyaariyay Dalka Soomaaliya.
"Madaxweynuhu wuxuu doonayaa in Dastuurkii Lixdanka dalka lagu dabaqo anna waxaan qabaa in dastuurkaas uusan hadda dalka ka shaqeyn karin islamarkaana la socon karin xaaladaha jira" Sidaas waxaa khilaafka isaga iyo Madaxweynaha u dhexeeya ku macneeyay Ra'iisal wasaare Sharma'arke.
Ra'iisal wasaaraha ayaa hadda ku sugan Nayroobi wuxuuna halkaas kulamo kula qaatay kuwa kalena kula qaadan doonaa mas'uuliyiin ka tirsan Beesha Caalamka gaar ahaan kuwa daneeya dantu noocii ay doontaba ha ahaatee arrimaha Soomaaliya.
Khilaaf soo noqnoqda, isqabqabsi ku saleysan maal adduun iyo nin tooxsi waxaa caan ku ahaa mas'uuliyiintii dalka soo martay sanadihii ugu dambeeyay, waxaana tusaale noogu filan, Dowaldii Cali Mahdi, Dowladii Cabdiqaasim tii ka dambeeysay ee Cabdullaahi Yuusuf iyo tan hadda jirta ee khilaafka iyo dagaalada la kowsatay.
halgankanet@gmail.com
