Shaqaalihii Idaacadda Hornafrik oo Shaqadii Joojiyay Idaacadda Oo U muuqata in gabalkeedii dhacay.
Idaacadda Hornafrik oo ah idaacadda ugu faca weyn idaacadaha FM-ka ah ee
Soomaaliya Waxa ay ku taalaa Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda
Soomaaliya,
Waxa ay ka koobneyd dhowr qeybood oo kala ahaa:-
Radio Hornafrik, oo ka soogasha Mowjadda FM-ka ee
Dhirkeedu yahay 99.9 waxaana ay xilli ahayd idaacadda ugu dhagaysiga
badan Somaaliya iyadoo dadka aan joogin Gudaha Soomaaliyana ay ka
dhageysan jireen Aalaadda Satellite-ka oo caalamka oo dhan ah marka laga
reebo Amerika, Idaacadda Hornafrik waxaa ka howlgali jiray wariyayaasha
ugu caansanaa Magaaladda muqdisho waxayna ahayd idaacadda loogu
jecelyahay xagga barnaamijyadda iyo waraka,
Capital voice, oo ah idaacad kale oo FM ah waxaa ay
kulamaaneyd Idaacadda Hornafrik waxaana laga dhagaysan jiray Mowjadda
Dhirirkeedu yahay 88.8 FM waxaa ay hawada Soogali jirtay Sagaalka Ama
sadexda saac ee subaxnimo ilaa habeenkii laba iyo tobanka saqda dhexe,
waxaa laga dhagaysan jiray barnaamijyo aad tayadoodu u sareyso oo
lahadli jiray dadweynaha qeybihiisa kala duwan, qudheeda waxaa ka howl
gali jiray isla wariyaasha Hornafrik maadaama ay ahayd qeyb shirkadda
kamid ah.
Hornafrik Television, Waa idaacad maqal iyo muuqaal ah
oo ay daawan jireen inta badan dadka ku nool caasimadda Muqdisho
waxaana uu hawada soogali jiray qeybtiisa afka soomaaligu Lixda
maqribnimo ilaa saqda dhexe isagoo siidayn jiray barnaamijyo talaya leh
oo dhow nooc isgu jiray iyo warar leh sawiro ka tarjumayay waxyaabaha
maalin kasta ka dhaca magaalada, isna waxaa kahowl gali jiray isla
shaqaalaha Hornafrik.
Maxaa Keenay In Hornafrik ay Xilligaas Idaacadaha Ugu sareyso?
Tan iyo markii dhidibada Loo aasay Hornafrik sanadkii 1999-kii waxa ay
ahayd mid kadhisan xagga maamulka oo Sadexdii nine ee aas-aasay ay
shaqada u kala qeybsamdeen Ninba meesha uu ku roonyahay in idaacadda uu
kamaamulo,
Dhinaca Barnaamijyadda oo uu maamulayay Axmed Cabdi Salaan oo aqoon u
lahaa maamulka howshaasi ayaa sabab u ahaa in hornafrik aysan dhagaha
dhagaysataasheeda marnaba ka faaruqin.
Waxaa aad u adkaa in qof shaqo doon ah oo aan sifiican xirfadda u
aqoonin uu shaqo ka helo Idaacadda hadii ay dhacdana uusan shaqadada ku
sii raagin .
Xagga nadaamka shaqada oo shaqaaluhu ay ku qanacsanaayeen in kastoo culeysyo ay iska jireen,
Qaab ahaan oo loo arkayay in idaacadda Hornafrik aysan si sahlan kubur
buri Karin maadaama ay gacan saar la laheyd Idaacaddaha BBC-da VOA-da
iyo walaaladda Wararka Ee Reuters,iyo hadafkii loo dhisay oo aan ahayn
mid sanado kooban ku ekaa taasi oo kamid ahayd waxyaabaha dhiiri
galinaayay Shaqaalihii ka shaqeynayay.
Musharaadka ay bixineysay oo in kastoo uu iska yaraa haddana waqtigiisa
aan dhaafi jirin shaqaaluhuna ay u muuqdeen kuwo isaga qanacsan hadii
aysan jirin dan markaasi ku qasbeysay in ay ku sii shaqeeyaan sidaasi,
Muuqaalka idaacadda oo si uga horeeyay idaacadihii markaa jiray sida
dhismaha idaacadda oo ay kamuuqanaysan mid aan waqti kooban loogu
talagalin ee u ekaa sida shirk ad weyn oo loogu tala galay in mudo aad u
dheer ay sii jirto.
Waxyaabahaasi iyo kuwo kale oo badan ayaa sabab u ahaa in Idaacadda
Hornafrik ay kasarreyso idaacadihii xiligaasi kajiray magaalada
Muqdisho.
Bur-burka Hornafrik goormuu soo bilowday Imisa marxaladood ayuuna soomaray?
Bur burka idaacadda Hornafrik waxaa uu si rasmi ah u soo bilowday Markii
magaalada Muqdisho ay soogaleen ciidamadii Itoobiya kolkaasi oo
dagaaladii lala galay uu qasaaro ka soogaaray dhismaha idaacadda oo
dhowr gantaal ay ku soo dheceen shaqaalihii qaar kamid ahna ay ku
dhaawacmeen Sida Yaxye Cali Faarax Iyo Cabdi dhaqane Cigge .
Waxaa xiligaasi ay idaacaddu ku shaqeyn waysay xarunteedii sababo
laxiriira duqeyntii iyo dagaaladii xiliyadaasi magaalada kajiray taasina
waxay keentay in si ku meel gaar ah loogu raro suuqa bakaaraha oo ah
goobta ay hada ku shaqeyso.
Bur-burka 2-aad ee Idaacadda waxaa uu bilowday
Markii la dilay Agaasimihii Idaacadda Hornafrik Cali Iiman Sharmaake iyo Agaasimihii Capital Voice Mahad Axmed Cilmi
oo Hal maalin dilal qorsheysnaa loogu geystay Magaalada
Muqdisho,Xilligaasi waxaa isna halmar god galay maamulkii toosnaa ee ay
idaacaddu ku shaqeyn jirtay.
Qaar kamid ah shaqaalihii isla xiligaasi ayey wadanka isaga carareen
halka qaarkii kale ee harayna aysan helin waxyaabihii ay mudnaayeen,
waxaa xilligaasi maamulkii idaacadda la gu wareejiyay Alla ha u
naxariistee Siciid Tahliil Axmed oo dadaal badan oo uu
muujiyay isku dayay in Idaacaddu ay sii shaqeyso waxaana la dhihi karaa
waa uu ku guuleystay oo Hornafrik ma aysan lumin marnba
dhagaystayaasheedii .
Xilligaasi Siciid Tahliil Axmed waxaa garab taagnaa Maamulka qeyb kamid
ah oo ay Ku jireen Axmed Jaakat, Nuur Bicir, Xasan Xuseen,Xasan
Jaceyl,iyo C/qaadir Jiirow,waxaase La sheegaa in qaarkamida maamulkii
jiray xilligaasi ay wax musuq-maasuqayeen Balse Siciid Tahliil uu
dhexda u xirtay in wax kastoo jiraaba aysan idaacadu hawada ka bixin waa
uuna ku guuleystay marxuumku ilaa markii danbe isaga Dhabanka dhulka
loo dhigo waliba isgoo kashaqeynayay siidii Idaacadaha muqdisho ay isugu
duubnaan lahaayeen Inaa lilaahi wa inaa ileyhi raajicuun Siciid waa
ladilay kadibna maxaa dhacay?
Shaqaalihii Idaacadda Hornafrik waxaa ay mar kale Noqdeen siidii ari
weer galay oo kale waxaa sii xoogaystay Musuq maasuqii ay qaar kamid ah
maamulku u geysanayeen shaqaalihii masaakiinta ahaa waxaa siciid la
dhintay Cadaaladii meesha ka jirtay iyo xuquuqdii uu siciid siin jiray
shaqaalaha, waxaa ay idaacadii ku sigatay in ay hawada kabaxdo, waxaa
hawada kabaxay TV-gii iyo Idaacadii Capital voice.
Shaqaalihiina waxaa loola dhaqmay si aan anshax iyo Masuuliyad ku jirin,
ilaa qaarkood ay shaqada isaga tagaan markale, Faragalin dhinaca
dibadda laga soo sameeyay ayaa la isku dayay in wax laga badalo Musuq
maasuqa meesha ka jiray iyo xad gudubka lagu sameynayay shaqaalaha
Idaacadda Balse Taasi halkii ay wax hagaajin lahayd waaba ay ka sii
dartoo xaajadu waxay noqotay “Kadar oo dibbi dhal” Waxaa maamulkii la
wareegay Masuulka hadda haya oo sabab laxiriirta Amaankiisa aanan Rabin
in magaciisa aan xusno,
Masuulkaasi waxa uu sameeyay wax ay shaqaalihii idaacadda Hornafrik ay
afka gacanta saartaan yaab iyo amakaag awood, waxaa meeshii ka dhacay
Musuq maasuq aabihiis iyo hooyadiis waxana taasi ay keentay in
idaacaddii hornafrik ay si buuxda u lumiso Dhagasytayaasheedii waxaa
hawada kabaxa marna kusoo laabta qeybtii Satellite-ka waxaa gabi
ahaanba meesha kabaxay oo la ilaaway TV-gii Hornafrik. Iyo Istuudiyihii
Capital voice.
Musuq maasuqaasi owgiis ayaa waxaan mushaaraad helin shaqaalihii
idaacadda hornafrik Muddo Afar Bilood ku dhaw taasina waxay keentay in
shaqaalihii intoodii igu cad caddaa ay shaqada joojiyaan. Waxaa na ay
kala yihiin shaqaalaha shaqadda joojiyay:-
1- C/qaasim Macalin Axmed
2- C/Caziiz Nuur Ibaraahim
3- Aweys Xaaji Nuur (Aar) Agaasimihii Capital Voice
4- Ibraahim Maxamed Aaden
5- C/llaahi Xasan Suleymaan (Baliil)
6- Axmed Wali Xuseen Maxamuud
Waxaana lagu soo waramayaa in qaar kale ay iyagu raajicinayaan bal in
wax la helo ka hor ciida hadii ay waayaana ay iyaguna shaqada isaga tagi
doonaan.
Intaasi oo dhan waxaa sii dheer dhibaatada ka jirta Magaalada Muqdisho
oo iyana saameynteeda leh islamarkaana ku qasabtay Idaacadaha magaalada
muqdisho qaarkood in ay lumiyaan dhagaystayaashooda maadaama aysan sida
saxda ah u sheegi Karin waxa magaalada kadhacaya.
Xigasho wariyaha.com
