23
O ye who believe! take not for protectors your fathers and your brothers if they love infidelity above Faith: if any of you do so, they do wrong.
Ilaa 7 wasiir oo ka tirsan maamulka Soomaaliland ayaa maanta waxay magaalada Hargeysa ku qabteen shir jaraa'id oo ay kaga hadleen arrimo kala duwan.
Arrimaha ka hadleen wasiiradan waxaa ka mid ahaa Xildhibaano ka tirsan dowladda Federaalka, xiisadda ka taagan deegaanka Galgala, ammaah lagu lahaa maamulkii hore iyo arrimo badan oo quseeya Ammaanka.
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Soomaaliland Dr. Maxamed Cabdi Gaboose ayaa qoraal uu akhriyay ka codsaday shacabka Soomaaliland inay xukuumadda iyo ciidamada ammaanka la shaqeeyaan.