Tahniyadda iyo Hambalyada Arooska Abuukar Aadan Iidle iyo Aroosada Faadumo Maxamed Cilmi nagala qeybqaado
Xambalyo, Hambalyo, hadal badan haan ma buuxshe, waa sidii ay horay Soomaalidu u tiriye, Boqor Abuukar Aadan Idloow iyo Boqorad Faadumo Maxamed Cilmiyeey naga hooya innagoo ah Waalidiinta iyo walaalaha ay magacyadoodu hoos ku qoran yihiin Tahniyadda Meherkiina iyo Hambalyada Arooskiina aadka loogu arwaaxay.
Hooyo Faadumo Xaashi Abshir iyo Aabe Aaden Iidle Jilacoow
Abaayo Nasro Aadan Iidle iyo Seygeeda Cabdi Maxamed Warsame (Feyfle iyo Caruurtooda
Abaayo Fartuun Aadan Iidle iyo Seygeeda Cumar Mahdi Muudeey iyo Caruurtooda
Abaayo Sameey Aadan Iidle iyo Seygeeda Muxudiin Axmed Cadaawe iyo Caruurteeda
Abaayo Safiyo Aden Iiidle iyo Seygeeda Cabdi Muuse Macalin iyo Carruurtooda
Abaayo Shukri Aadan Iidle Seygeeda Cabdikariin Cali iyo carruurtooda
Aboowe Cumar Aadan Iidle iyo xaaskiisa Muna Boote Dhuxuloow
Aboowe Sakariye Aadan Iidle iyo Xaaskiisa Nor Harges
Abaayo Aniso Aadan Iidle iyo Seygeeda iyo Wilkooda yar
Guud ahaan ehelka iyo Abtiyaasha sharafta badan ee reer Abshir Xaashi, Adeeryaasha qaayaha leh ee Reer Iidle Jilacoow iyo bahweynta asxaabta la leh lamaanhan is-doortay waxay Tahniyad iyo hambalyo mug weyn halkan uga dirayaan Boqorka iyo Boqorada Abuukar Aadan Iidle iyo Faadumo Maxamed Cilmi oo Meherkoodi iyo Arsskoodiba ay ka dhaceen magaalada Helsinki, xarunta dalka Finland 28/5/2011.
Lamaanahan noolayaasha ifka ku nool iska doortay waxaa sidoo kale halkan Tahniyad gaar ah uga diraya Hawlwadeenada, qorayaasha, maamulka iyo weliba tifaftirayaasha warsidaha www.halganka.net waxayna leeyihiin, noqda kuwii isku waara, Xasanyaal iyo xaliimayaal badanna kala leh aaaaaammmmmiinn!!!!!.
Arooskiina waa loo aayee, waa loo aayee!!!!!!
