Ururka Xisbul Islaam oo ka jawaabay eedeyn loo jeediyey Axmad Islaan sheegayna iney difaacayaan
Ururka Xisbul Islaam ayaa ka jawaabay weerar dhinaca ah iyo dagaal uu saakay ka iclaamiyey magaalada Kismaayo afhayeenka maamulka Alshabaab ee magaalada Kismaayo.
Madaxa warfaafinta ee ururka xisbul Islaam Sheekh Maxamed Macalin Cali oo goor dhoweyd shir jaraaid ku qabtay magaaalada Muqdisho ayaa ku tilmaamay hadlka ka soo yeeray ninka masuulka ah ayaan daro xilli buu yiri ey joogaan wadanka cadow ku duulay waa sida uu hadalka u yiriye.
“Hadaan nahay xisbul Islaam waxaan u dirnay masuuliyin badan magaalada Kismaayo si ay uga qeyb qaataan wacyi gelinta iyo xalinta khilaafaadka soo kala galay walaalaha halkaasi ku wada sugan, waxaana la filayaa in sidii ay weli ku soo socoto arintaas, hase ahaatee waxaana la yaab leh hadal uu saaka ku iclaamiyey dagaal madaxa warfaafinta ee maamulka kismaayo waa arin aan loo baahneyn xiligan uu cadowgii uu weli xasuuq ku hayo umadii Soomaaliyed waxaana cadeynayaa in Axmed Madoobe iyo ciidamadiisa ay ka tirsan yihiin Xisbul islaam haddii dagaal lagu qaadana lagu soo qaaday dagaalkaas xisbul Islaam” ayuu intaa ku daray isagoo ugu baaqay maamulka magaalada kismaayo iney ka laabtan go’aankaas isla markaana miiska wadahadalka yimaadaan si loo badbaadiyo dhiiga Mujaahidiinta.
Sheikhan oo isaga laftiisu ka soo jeeda gobolada Jubbooyinka ayaa difaacan Sh. Axmad Madoobe isagoo si badban u sheegay iney difaacayaan haddii la soo weeraro.
Labadan urur ayaa in muddo ahba waxaa ka dhexeeyey loolan siyaasadeed kaas oo soo jiitamayey muddo aad u fog walow ey uga sii dartay kadib markii Alshabaab diideen iney ku biiraan Xisbul islaam oo u arkaan mid aan daacad ahayn.
Maamulka islaamiga ee Kismaayo ayaa waxaa si hoose in muddo ah looga eedeynayey iney si dadban u maamulaan beesha mareexaan iyagoo maamulka dhammaan gacanta ku haya marka laga reebo madax sar sare oo dhowr ah oo aan u dhalay gobolka iyadoo laga baqayo in Alshabaabka Gedo iyo kuwa muqdisho dagaalka ku biiraan haddii uu dagaal ka bilowdo magaalada.
Si kastaba, haddii dagaal uu ka dhaco magaalada ayaa waxaa dhibaatada ugu weyn waxey ku dhici doontaa dadka shacabka ah oo aan iyagu shuqul ku lahayn siyaasada la isku heysto taasoo ah wax laga naxo.
halganka.net
