War deg deg ah: Xoghayaha gaashaandhiga Xizbul islaam oo saakay gaaray dalka Eriteriya

Xoghayaha gaashaandhiga ee ururka Xizbul Islaam Sh. Muuse Cabdi Caraale oo bilhii la soo dhaafay joogay dalka Suudan ayaa halkaasi isaga tegay iyadoo ey la socdaan qaar kamid ah ragii  la socday.

 Xoghayaha gaashaandhiga oo aan sida aan warka ku heleyno in muddo ah joogay suudan ayaa la sheegay iney u dhammaatay arrimo caafimaad oo uu halkaasi u joogay isagoo saakayna gaaray magaalada Casmara ee dalka Eriteriya.

Xoghaya gaashaandhiga oo markii ugu horreysay boggan soo qoray nuu ka tegay somalia ayaa la sheegayaa in haatan caafimaadkiisu fiican yahay walow uu xanuunsanaa in muddo ah.

Dowlada KMG ah ayaa isku dayday iney wax heshiis ah ka raadiyaan inta uu joogay dalka Suudan isagoo arrintaasina ku gacan seyray kadib markii ey la soo xiriireen madaxda ugu sareysa dowlada KMG ah.

 

Wixii war dheeraad ah kala soco halganka.net


Custom Search