• strict warning: Non-static method view::load() should not be called statically in /home/halganka/public_html/sites/all/modules/views/views.module on line 906.
  • strict warning: Declaration of views_handler_filter::options_validate() should be compatible with views_handler::options_validate($form, &$form_state) in /home/halganka/public_html/sites/all/modules/views/handlers/views_handler_filter.inc on line 26.
  • strict warning: Declaration of views_handler_filter::options_submit() should be compatible with views_handler::options_submit($form, &$form_state) in /home/halganka/public_html/sites/all/modules/views/handlers/views_handler_filter.inc on line 26.
  • strict warning: Declaration of views_handler_filter_boolean_operator::value_validate() should be compatible with views_handler_filter::value_validate($form, &$form_state) in Unknown on line 0.
  • strict warning: Declaration of views_plugin_row::options_validate() should be compatible with views_plugin::options_validate(&$form, &$form_state) in Unknown on line 0.
  • strict warning: Declaration of views_plugin_row::options_submit() should be compatible with views_plugin::options_submit(&$form, &$form_state) in Unknown on line 0.

War Deg Deg a: Macalin Aadan Ceeyroow oo ku shahiiday duqeeyntii Dhuusamareeb

War deg deg ah: Sheekh Aadan Xaashi Ceyrow hogaamiyihii sare ee Al-Shabaab oo ka mid noqday tiro dad ah oo ku geeriyooday duqeyn dayuuradaha Maraykanku u geysteen guri ku yaala DhuusamareebALLAHA u naxariistee Macalin Aadan Xaashi Ceyrow oo ahaa hogaamiyihii sare ee dhaqdhaqaaqa Islaamiga ah ee Al Shabaab ayaa ka mid noqday dad tiradoodu ay gaareyso ilaa 10 ruux oo ku geeriyooday duqeyn aroornimadii saaka la rumeysan yahay in dayuuradaha Ameerikaanku u geysteen guri aqy ku jireen oo ku yaala magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud sida uu xaqiijiyey afhayeenka dhaqdhaqaaqa hubeysan ee Al Shabaab Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur.Wararka naga soo gaaraya magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in guriga uu ku dhacay gantaalka u gebi ahaanba burburay oo isla markaana halkii uu ku yiilay gurigaasi uu god aad u weyn ka qodmay, waxaana dadka ku dhaqan magaaladaasi ay ku howlan yihiin iney dhulka uu ku fadhiyey guriga ee godka uu ka qodmay kasoo fagaan meydadka dadka ku dhintay duqeyntaasi ee dhuulka ku hoos jira, waxaana dadka deegaanku sheegeen hal gantaal ku dhuftay gurigaasi dayuurad nooceedu yahay AC-130 oo ay leedahay dowladda Maraykanka. Halkii ay duqeyntaasi ka dhacay ayaa illaa hadda waxa laga soo saaray meydadka dad gaaraya illaa 10 ruux oo labo ka mid ah ay si aad ah u jarjarmeen, iyadoo dad kale oo aad u fara badana dhaawacyadooda la gaarsiiyey isbitaalka magaaladaasi ku yaala, waxaana xaalada Dhuusamareeb saaka ay tahay mid aad u kacsan oo dadku ay hadal hayaan qaraxaasi saaka xiligii salaada Subax gilgilay.

Ka raadi google

Custom Search