Warbixin Shirkii jaraaid oo uu madaxweyne shariif u qabtay madaxtooyada(falaarta riix)
Madaxweynaha dowladda fadaralka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka halday kulanka u la yeelan doono hillary Clinton sheegay bixiyay kulanka ka dhacay magaalada Nairobi ee dalka Kenya ee lagu wado inay wada kulmaan xogayaha arimaha dibadda ee dalka Mareykanka Hillary Clinton iyo madaxweynaha Somalia.
Kadib shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay madaxweynaha dowladda somalia ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa kaga hadlay qodobo badan oo ay ka mid tahay kulanka xasaasiga ee ay yeelanayaan labada doowladood ee dowlada Maraykanka iyo Somalia.
Madaxweynaha dowlada fadaralka Somalia ayaa ugu horeyntii waxaa uu sheegay in kulanka uu yahay mid muujinaya in in Caalamka uu haatan u soo jeestay dalka Soomaaliya islamarkaana hor u dhac u ah talaabo ay ku hormartay dowladda KMG ee Soomaaliya.
Sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya ayaa intaasi ku daray in kulanka ay kaga wada hadli doonaan labada dowladood Arimaha siyaasadda Amaanka iyo xariirka labada dal taasoo uu sheegay in ay tahay fursad shacabka Soomaaliyeed looga baahanyahay in ay ka faa’iideystaan.
dhinaca madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa la weydiiyay in uu ka warhayo dhalinyaro Soomaali ah oo dalka Australia lagfu qabtay xili la shegay in ay doonayeen in ay weeraro is miidaamin ah ka fuliyaan saldhigyo ciidamada dalkaasi ay ku leeyihiin Caasimadda dalka Australia.
Sidoo kale waxaa uu wax laga xumaado u tilmaamay Madaxweyne Shariif in dhalinyaro dalkooda rabshado uga cararay ay dalal kale rabshado ka geystaan taasoo uu sheegay in ay tahay waxyaabo aad iyo aad looga xumaado.
Ugu dambeyna Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa sheegay in dhalinyaro kale oo dalal kale wax ku soo bartay ay haatan rabshado ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya islamarkaana ay ka bar bar dagaalamayaan Xoogaga hubaysan ee ka soo jorjeeda dowladda Soomaaliyee.
- Length: 7:00 minutes (2 MB)
- Format: MP3 Mono 22kHz 40Kbps (CBR)
