Madaxweyne Shariif oo ka warbixiyey sababta Somalia ey la degi la'dahay(dhegeyso riix falaarta)
Madaxweynaha dowlada Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa sheegay in dagaallada ka socda Muqdisho ay ka danbeeyaan shaqsiyaad ajanabi ah iyo dowlado shisheeye, kuwaasoo dhinaca kalena dhibaatooyin ka geysta Afghanistan iyo Pakistan.
Sheekh Shariif oo shir jaraaid oo uu Muqdisho ku qabtay kadib wareysi siiyay Idaacadda VOA, ayaa sheegay in dalka Soomaaliya ay ku soo duuleen kooxo uu tilmaamay inay yihiin gumeysi cusub kuwaasoo qorsheynaya sidii ay u burburin lahaayeen dalka iyo dowlada Soomaaliya. Madaxweyne Shariif wuxuu carabka ku dhuftay in kooxahani aan lagu tilmaami Karin kooxo mucaarad ah, balse ay yihiin kooxo wata fikir shisheeye sidaas darteedna ay dowlada Soomaaliyeed dagaal adag la galayso kana guuleysan doonto.
Shariif wuxuu xusay in kooxahan ay soo abaabulayaan Eritrea iyo Al-Qaacida kuwaasoo aan doonayn in Soomaaliya degto. Shariif wuxuu sheegay in Eritrea ay fikirkeedu yahay in haddii Soomaaliya degto ay iyaga dhibaato u imanayso, taasina ay tahay fikir qaldan. Madaxweynuhu wuxuu sheegay in Al-Qaacida ujeedadeedu tahay inay burburiyaan wadan walba.
Madaxweyne Shariif, wuxuu sheegay in dowlada ay waajib ku tahay inay difaacaan dalka, balse wuxuu sheegay in dowladu aysan masuul ka ahayn dhibaatada dagaalladu ka dhasheen mar hadii qololada duulaanka soo qaaday ay yihiin kooxo shisheeye.
- Artist: voa
- Title: wareysiga madaxweynaha
- Length: 8:49 minutes (8.07 MB)
- Format: MP3 Stereo 44kHz 128Kbps (CBR)





































