23
O ye who believe! take not for protectors your fathers and your brothers if they love infidelity above Faith: if any of you do so, they do wrong.
Odayaal iyo wax-garad ka tirsan deegaanka Geri-jir ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay ka mamnuuceen deegaanadooda inay ka hawlgasho hay'adda Qaramada Midoobay u qaabisan Cuntada Adduunka ee WFP iyo hay'adda Care International.
Odayaashan ayaa maalmahan degmada Guri-Ceel kulamo kula lahaa mas'uuliyiin ka tirsan hay'addaasi, iyagoona u jeediyay eedeeyn la xiriirta wax qabad la'aan.
Odayaashu waxay sheegeen in labadaasi hay'adood ay muddo 13 sano ah ka hawlgalayeen gobollada Dhexe, haddana aysan weligood wax ka qaban dhibaatooyinka ka jira deegaankooda.