Qisadii Barrack
Qisadii Barrack
Qisyaastii bishii febarayo 1992 ilaa dhamaadkii 1994 waxaan dhowr jeer u safray magaaladda Moscow ee dalka ruushka
Howlo shaqo oo aan u tagay awgeed waxaan la kulmay mr V.M iyo xaaslkiisa oo layiraa TM oo aan iyadu aan weli ka niyad jebin mabaadii shuuciyadda iyo halgankii loo soo maray ee naf iyo maalba lagu baxshay.
Maqrib ka bida waqtigaas ayay igu casuumeyn mr V and TM guri ku yaala Moscow (квартира) xaflad gaaban oo ku soo noqoshadii moscow.
Si fiican ayay u dhacday , xafladu casho iyo shekeysi caadi ah bay aheyd .
TM ayaa la soo banbaxday dhowr figrado xanbaarsan naceybka mareykanka in kastoo midka mid ah uu ninkeeda ka afjigay,ubucda sheekada sidan ayay ku bilaabatay
- Haddii aad tihiin mareykan waxaad u fikirtiin inaad heystiin xukuumada ugu fiican aduunka, dadkiinu uu markasta qaladba laheyn haddii aysan sidaa aheyn
Maxaa u yeelan weydeen Madaxweyne dumar ah waqtigan ? waxaad hesheyn fursad aad ugu codeysaan qof dumar ah inuu noqdo Madaxweyne ku xigeena !! ma aadan codeyne ?
- guud ahaan jawaabtu waxaa weeye inaan qofna loogu codeyn hadba kuu yahay lab iyo dhidig. Sidaasi si lamida inaan madaexweyne iyo madaxweyne ku xigeen qolo gooni ah u goneyn sida tikit
Tolow maxay ku maageeysaa Mareykanka , ma waxaysan ogeyn dastuurkii somalia inuu madaxweyne iyo raisulwasaare Qabiil u shaabadeeyay , madaxweyne konfureed Abgaal iyo Habar-gidir sooma dhaafo, raisulwasaare Daaroodna majeerteen sooma dhaafo ayaa qalbigeyga soo gashay.
- Malaha waad la yaabi doontiin markaad aragtaan Madaxweyne Madow ah goor dhaw !!
Tiro koob la sameeyay ayaa lagu qaadadhigay wax ka mabnuucaya ma jiraan, mareykankuna waa u codeyndoonaa qof ku haboon iyo waqti ku haboon lab iyo dhidig midkuu doono ha noqdee
- ka wara haddii aan kuu sheego inaad yeelan doontiin madaxweyne Madow ah dhawaan , wuxuuna noqonayaa shuuci “communist”
Astaantii iyo xadkii waaba ka baxday ,is qooraansi baa inaga soo haray misna waa sii wadatayoo…… waa dooran doontiin isaga. kuminista ayuu noqonayaa !!
Inkastoo ninkeeda ku guuldareystay inuu mawduuca ka bedelo, kolkaa ayaa mid innaga mida ku yiri wax aanan ogeyn baad malaha adiga ogtahay
Nacam waa runtaa, ma ahan hadalkeygu wax aan jirin, haduu dhashay oo haduu wax bartay, waana soo guuxayaa inuu noqdo madaxweynihii saxda ahaay, waad la yaxyaxidoontaa inaad ogaatid inuu ka soo baxay iskuulka ugu wanaagsan ee madaxweynayaasha, waxaa weeye waxa aad ugu yeertaan “ ivy league “ waa sida camuud college, dhaqankii iyo waxbarashadii bulshada somaliland aqoonyahanadoodii ku soo caan baxeeyn
Ma I rumeyneysid miyaa xitaa magaciisa waa garnayaa waa kii runta ahay, Magaciisu waa Barrack , hooyadiis waa cadaan mareykan ah , aabihiis waa madow africa ka yimid waa kaas cunigii shukulaatiiniga ahaay “chocolate baby” маленький черный madaxweynihiina ayuu noqonayaa !! ka daran oo dibi dhalay Waaba ay kusii dheeraatay amaantiisa iyada oo ku nuuxnuuxsaneyso mala awaalkeeda inuu run yahay
Dhamaanteen waxa inoo cadaatay gunaanadka sheekadda aabahiis inuusan aheyn madowga mareykanka sidaas darteed dhaqankii adoonsiga sal kuma laha,waa aqoonyahan waa mid lagu barbaarshay inuusan ilaahyo jirin iyo shuucinimo, iskuulka ugu fiican ayuu ka soo baxay ,talaabo kastaa waa la horkacay,dadkuna kama horimaankaraan maxaayeelay waa caaqil. “ he wil be irresistble to America” kolkey halkaas mareyso.
- Halkaas ayaan candhada dhulka dhignay, innaga oo wax aan sheegno garan weysan
Balse iyadu waa ay iska faraxsaneyd waayo waa ay garaneysay in shuuciyadu sidaas ay sameyaan, malaha ma ninkii qorey afka ruuska ee maanta lagu hadlo ayay ula jeeday, waxaa I soo hor istaagay qoraagii weynaa ee afka ruushka qoray Alexander Sergeevich Pushkin oo aabihii ka soo jeeday afrikadda bari
Waxay u bisbisooneysaa iney kawadda sheekeyso, anigana waxaan u qaatay iney iska yeelyeeleyso oo aaney dhab arinkani aheyn balse sheekanadni uu yahay qofkii runta ahay
Waan is iri habartan Ruushka ah boosaaso ma tegin weligeede, waa maxay sheekadan ay sidii ruux Humbeyl iyo Boorana hayo ay iigu sheegeyso.
Haaa haaa Hawaay ayuu ka yimid, kelefooriiyo kuu wax ku bartay, waa kaas jikako ayuu ku noolyahay, hadaa loo dooranayaa sharci-dejiye. Shaki kuma jiro inuu innaga mid yahay sovietka
- Magacaas iguma cusba oo waxuu u eg yahay eray afka carabiga ah oo macnihiisu yahay barako, waxay la soo booday haa waa african aduunyada oo dhan ayuu barako u yahay благословение
Miisaaniyad iyo arrimo qorsheysan ayay ka hadleysaa oo aan weli la gaarin
Malaha cashuur laga qaadayo dad maalqabeyn ah oo la siinayo dad sabool ah ayay ka hadleysaa sida xeerka shuuciyada dhigeyso
Dadka ruushka ah waxay aaminsan yihiin in shuuciyadu aaney dhiman, geerin ay kala dheer yihiin, isla markaana mar uun soo noqon doonto mabadiida shuuciyadda balse maanta dunida waxay u socotaa dhinac kale oo ah secularism taas oo ay isga mid yihiin shuuciyadda diin ka fogaashaha.
Sheekadan oo sanado badan ka soo wareegtay markii ugu horeysay ee aan maqlo magaca barrack, wadasheekeysigana cadeyna uma noqon karto in obama uu kusoo tababartay midowgii sofiyeedka balse qorshihiisa dhaqaale ayaa u eg halka uu ka jarayo cashuurta iyo halka uu ku bixinayo cashuurtaas.
Waxaa Qoray
Ahmed abdi macalin
Seyga20@hotmail.com
