Gacantaadu haddii ay dhudhub gasho, laguma soo dhufto ee waa laga dharaandhiriyaa.

Oraahda ama hal ku dhiga kor ku xusan waa hadal Soomaali horay u tiri, runtiina xambaarsan murti meel fog wax ka cabireeysa oo caqligii fayoow uu wax ku qaadan karo. Murtidu waxa ay cabireeysaa sida ay aniga ila tahay, in markii dhib aad ku dhacdo ama arrin culus ay ku soo wajahdo aad uga dabaalan laheyd adigoo si aan laguu garan iyo galaangal u socda, yacni si miiran oo fiirsasho fogi ku dheehantahay ayaa loo baahan yahay. Waxaan ula jeedaa oo arrintu ku wajahtahay , marxaladda maantay uu dalku m,arayo oo runtii waayeelka iyo waxgaradka Soomaaliyeedba ay ku tilmaameen waqti aragti iska daaye  maqalkiisa aan la heeyn cid maqashay oo ka sheekeeysa. Dadka wax indha indheeya waxeey yiraahdeen Soomaali maanta ayaa loo baqaa, waayo waxaa maantay fursad ku helay cadawga Dadka Soomaaliyeed ee soo jireenka ah. Waxaa taas sii dheer oo dabka xaabada ku sii daray markii ay cadawgu heleen u adeegayaal aan sidaas u sii garasha fogeeyn oo mugoodi la egyahay xoogaa shilimaad ah iyo Masiir Dawladeed riyo ku saleeysan oo aan caga adag ku taagneeyn. Waxeey heleen dad Soomaaliyeed oo yiri waxaan madax u nahay Soomaaliya ee dadkeena kaalaya oo noo laaya!. Bal qalbiga laga qaadyadaan ma waxeey Soomaalinimo nadiif ah ku waayeen ayeey ku helayaa in ay Xabashi hebed u noqoshadiis ku helayaan. Nin ayaa beri yiri : Caanahaad lo’(saco) ka weeysay iyo luqun dheeraha geela haddii aad lax (ido) ka doonto soo caqli kaa lumay maaha? Isku soo wada duuboo maantay maxaa nala gudboon oo dadka iyo dalka si xeeladeeysan looga bixiyaa Abriska(mas) aqalka dhexdiisa malbsanaya oo dhiig mooyi wax kale oo u dhedhema aanay jiri?  Aqristoow haddii aan anigu isku dayo in aan garashadeeyda gaaban ku cabiro sida ugu fudud oo looga bixi karo xaaladaan qalafsan oo dad iyo duunyaba galaafatay haddana dalkii ku sii daratay, waxeey ila tahay,    1): In marka ugu horeeysa ay ragaan la magac baxay Dib u xureeynta Soomaaliyeed ee fadhigoodu yahay Casmara(Eretererya) ay si in dha la’aan ah uga tanasulaan shuruudahooda ay ka midka yihiin inta ay Etoobiyaanku joogaan wadahadal la gelimeeyno Dawlada iyo wixii la halmaala.   2): In Etoobiyaanka loo damanad qaado in haddii ay faraha kala baxdo Soomaaliya wixii dhacayba dhaceene aan laga aarsan doonin, waxaan ula jeedaa waxaa weeye, waxaa soomaalidu tiraahdaa :Gacantaad gooyn doonto waa la shumiyaa. Guntii iyo gunaanadki waxaa la yiri war la qabaahu xiisa malehe aan u dareerno oo dacaladda ka qabano dalkeena, waayo waxoow ku sii socdaa shalaaqooti dheer oo ay adkaan doonto  sidi looga saaro haddii aan hadda kori iyo hoos wax loo fiirin oon far far ku taaga la iska dhaafin. Waxaa xusuus mudan oo aad ogtihiin in falanqeeyn dheer oo sama jeclayaal Soomaaliyeed ka shaqeeyeen ka dib in la isla meel dhigay goortii iyo goobtii uu ka dhici lahaa madasha Shirka Dib U Heshiisiinta Soomaaliyeed kaasoo dhex mari lahaa DFKM iyo Ururka Xoreeynta Soomaaliyeed, balse Etoobiyaanka oo ka duulaya in ay arrintaani ay wax miraahi ka soo bixin ayaa weerarkii la wada ogaa oo caalamka oo dhan ka dhakafaariyay ku qaadaeen Culimadii Islaamka Soomaaliyeed iyagoo ku guda jira Cibaado iyo wax barashada Islaamka, natiijadii waxeey noqotay in ay Gawraceen oo baangado iyo beeynaadyo ku jarjaraan culimadii Islaamka, Allaha U Naxariisto Mujaahidiintaas!!!!!!. Sida ay rabeena Cadawgu isla markiiba waxaa ka so yeeray Ururka Xoreeynta Soomaaliyeed in ay ka fiirsanayaan wadahadal ay la galaan DFKM. Waa arrin dhabar jab ku ah Soomalida waayo waxa meeshaas ka cad in aanay dadkaanu heshiin karin, sidaasna ay Etoobiyaanku ku xalaashiistaan heeysashada.    By:Cabdi Muuse
Custom Search