Arin Mucjiso,ah oo aan nooceeda Hore loo arag ayaa ku habsatay Qoys

Arin Mucjiso,ah oo aan nooceeda Hore loo arag ayaa ku habsatay Qoys ka Kooban Toban Qof oo ku nool Magaalada Burco ee Gobolka Togdheer .
Aabaha Qoyskan oo lagu Magacaabo Cabdirashiid Cali Cabdilaahi iyo Xaaskiisa oo u waramay maanta Warbaahinta ayaa sheegay in ay haysato arrin Mucjiso ah mudo 3 saano ah, dhibaatadaas oo ay ku sheegeen in gurigii ay dagaanba Dab aan Noociisa la,aragi Baabiinaayo, Ilaa inta ay ka baxayaan Gurigaasna aanu Bakhtiyaynin Dabkaasi.
Waxaana ay intaas ku dareen in Culimo-Awdiinka Magaalada Burco ay u taag-waayeen wax ka qabashada dabkan Mucjisada ah. Waxaanay ka Codsadeen Labadan Waalid Culimo-awdiinta Somaliland, Aqoonyahanada, Madaxda Dawlada iyo dadka Aqoonta u leh Arrimaha noocan oo kale ah Gudo iyo debedba meel kastoo ay Joogaanba in loo Fidiyo Gurmad deg deg,ah sidii ay dhibaatadan iskaga Fardaamin lahaayeen.
C/rashiid Cali C/laahi isagoo arrintan ka hadlaayana wuxuu hadalkiisa ku bilaabay "Anigoo ah nin Xaas leh Caruurtiisuna tahay 8 Qof oo 13 jirku ugu wayn yahay waxaa igu kalifay maanta in aan Bulshada reer Somaliland u soo bandhigo Arrin mucjiso,ah oo imika i haysatay Mudo ilaa 3 sano ah, isla markaasna aanu qarka u saaranahay in aanu waalano dhamaantayo hadii aanay noo gurman umada reer somaliland Sheekh iyo shiriifba.
Hadaba Arintan ayaa waxay nagu bilaabantay Taariikhdu markay ahayd 2005 waxaana dab qabsaday gurigaygii Dabkaas oo dhamaanba baabiiyay Guriga iyo wixii yaalayba. ka dibna waxaan doontay Guri kiro ah Gurigaas oo isna markay Taariikhdu ahayd 06/10/2008 ayaa isna waxa mar labaad qabsaday dab la nooc,ah kii hore Dabkaas oo isna dhamaan Baabiiyay wixii yiilay Guriga, dabkaas I qabsaday 06/10/2008 8:00 Subaxnimo Wuxuu baxaayay ilaa 12:00 Maalinimo oo ilaa shan jeer marka la bakhtiiyaba hadana dib u baxaayay oo aan la garanayn wax shidaaya iyo wax uu ka dhashay toona .markay xaaladu halkaas maraysay ee umadii oo dhami isku kaayo timi ee dabkiina dami waayay ayaa reerkii Guriga iga Kireeyay Furihii iga qaateen, Waxaan reerkii geeyay Xaafad reer kale dagan yahay waanan la dagay reerkii kale markaan la deganaa maalin ayaa maalintii ku xigtay oo Taariikhdu ahayd 08/10/2008 7:00 Subaxnimo waxaa na qabsaday anaga iyo reerkii aan la daganayba dabkii mid la mid,ah Dabkaas oo isna waxyeelo weyn gaadhsiiyay reerkii aan la deganaa iyo reerkaygiiba Dabkaasina waxa uu baxaayay ilaa 5 saacadood oo ilaa 7 jeer marka aanu bakhtiinaba hadana dib ayuu u baxaayay, markaas ayaan reerkaygii qofba meel geeyay Sidaasaanu ku bakhtiyay dabkii.” Ayuu yidhi isaga oo ka sheekaynaya dhibaatada ku habsatay iyo sida ay u saamaysay mudadii Saddexda sano ahayd, isaga oo sharaxaad ka sii bixinaya waxa uu intaa ku sii daray oo yidhi: “Mudo lix casho,ah ayaa reerkii qofba Meel joogay dabkiina istaagay hadana Markay ahayd Bishu 15/10/2008 ayaan guri kiraystay oo aan reerkii iskugu keenay isla markaasna 17/10/2008 ayaa hadana dabkii bilaamay waxaanu socday ilaa 27 Bisha oo gurigii gubanaayay waana gurigii afraad markii dabkii istaagi waayayna dhamaan reerkii waan kala diray 5 caruurana miyi ayaan u diray 3 kalena xaafadaha Burco ayaan midba gooni ka geeyay Aniga iyo Hooyadoodna Midkaayaba dhinac ayuu ka joogaa magaalada waxaana na haysata Mucjisadaas .
waxaanu dabkani bilaamaya marka reerka meel layskugu keeno
Waxaanan arrinta u soo kaxaystay wadaado fara badan oo ka mid,ah Culimo-awdiinta Magaalada Burco waanay ku guulaysan waayeen wax ka qabashada masiibadan.
waxaana ka mid,ah Dhibaatooyinka ugu waaweyn ee Mucjisadani igu hayso Guryihii Magaalada oo layga kiraynaynin oo ay sabab u noqotay gurigaan degaaba markuu gubto.
waxaanu dhamaan dabkani baabiiyay hantidii reerku lahaa waxaanu nagaliyay dayn bini’aadam.
waxaanu dabkani noo diiday jiif iyo joogba waxaanu nagu noqday Mucjiso na hortaagan oo xiitaa caruurtu haday habeen seexato iyo haday maalin seexataba way ku salalayaan waanay sasayaan.” Ayuu ku soo koobay hadalkiisa dhibbahan ay qoyskiisa masiibada naxdinta leh ku habsatay.
Intaa ka dib weriyahayaga gobollada Bari ee Somaliland,Mr. Mahaf Faarax Cabdilaahi ayaa su’aalo kooban waydiiyay, su’aalahaas iyo jawaabahoodiina waxay u dhaceen sidan:-
S: Imisa jeer ayaad u yeedhay wadaadadan maxayse kuugu Jawaabeen ?
J. ilaa lix jeer ayaan walaal u yeedhay Culimo-awdiinta waxaanay iigu jawaabeen anagu dabkan waxba kama qaban karoo waxaanu umalaynaynaa sixir.
S.Dabkani Miyuu ka duwan yahay dabkii caadiga,aa ee aynu naqaanay ?
J. haayoo walaal wuu ka duwan yahay dabkii aynu naqaanay waxaana arinaas kuu cadaynaysa dabkani marka uu baxayo Qiiq malaha marka la bakhtiiyana waxa la moodayaa meeshuu Gubo in bambooyin lagu garaacay sidaasaanad ku garanaysaa in aanu dab caadiya,ahayn .
Ugu danbayntii wuxuu C/rashiid cali C/laahi iyo Xaaskiiska Kaltuun Cawil Cilmi, ka codsadeen Culimo-awdiinta, Aqoonyahanada Madaxda Dawlada Hay''addaha in loo Gurmado si dii ay dhibaatadan iskaga fardaaminlahaayeen reerkani.
waxaana lagala soo xidhiidhi karaa lambarada Hoos ku qoran
Mobil Namber 4321284
Line Namber 712208
Mahad faarax C/laahi
Burco Somalilandpress
