Malaay(kaluun) aan noociisa horey loo arag oo laga helay badda Asia!

Dhakhaatiirta xawayaanka ee loo yaqaan Zoologists ayaa sheegay iney heleen malay(kalluun) cusub oo aan noociisa wali horey loogu arag adduunka iyadoo sida uu u sameysan yahay ey ka duwan tahay malaayga kale khaasatan ilkahiisa.

Dhakhaatiirta xawayaanka ayaa sheegay in maleygan(kaluunkan) dhararkiisu dhan yahay 16 millimetres oo ah mid gaaban waxeyna ku tilmaameen mid cajiib ah oo ka duwan 3,700 nooc oo kalluunka oo horey loo yiqiin.

Malaygana oo laga helay badda ku dhow magaalada Mogaung ee dalka Burma ayaa loogu magac daray Count Dracula kaas oo ah jille (charactor) buuga count Dracula ku jira sababo la xiriir ilkaha soo jeeda oo uu leeyahay taasoo eysan lahayd maleyga illaa iyo hadda la ogyahay iyagoo sheegay in loo maleynayey in kalluunku lumiyey ilkahoodii muddo laga joogo 50 million oo sano waana kalluunka keliya ee la ogyayhay illaa iyo hadda inuu ilko soo jeeda leh.

Dr Ralf Britz, oo ah Zoologist kana shaqeeya the Natural History Museum, in London, ayaa yiri "Malaygani waa mid cajiib ah waana kan ugu muhimsanaa ee la helo qarniyadii eynu soo dhaafnay"

Dhakhtarkan ayaa intaasi ku daray iney u maleynayeen in malaygu lumiyey ilkihiisii muddo aad u fog taasi oo noqotay mid laga tirtirayo buugaagta waxbarashada bad joogta.

Baaritaanka warbixintan ayaa lagu daabacay Journaalka Royal Society B journal.


Custom Search