Daawada Xameetida( Insulin) oo la ogaaday iney wax ka tari karto yareynta muuqashada Nabarada.

Xameetida Insuliinka loo yaqaan ayaa la  sheegay in haatan la ogaaday in wax looga qaban karo nabarada ka dhasha daqarada (Scars) kaas oo ka dhasha marka qofka la qalo, xabaddo ku dhacaan ama kan gubashada.

Daawada Xameetida oo afka qalaadka lagu yiraahdo Insulin ayaa cilmi baaris qaadatay waqti dheer waxaa lagu ogaaday iney baabi' karto nabadda ka dhasha daqarada ama jaraaxada hadii isla markiiba lagu duro meesha nabarku ku dhacay.

Sidey u shaqeysaa?

Khubarada ayaa sheegay iney wali baariaan ku hayaan sababta ey arrintani ku dhacda wexeyse sheegeen baaritaanka horudhaca ah oo ey sameeyeen iney ku ogaadeen in haddii lagu duro daawada meesha nabarku ku dhacay ey xireyso faafida xilibka meesha uu ka go'ay isla markaasna ey tayo gelineyso in maqaar cusub uu ka soo dhasho halkaasi taasoo yareyneysa nabarkii muuqday ee halkaasi laga arki lahaa.

Seynis yahanada ayaa sheegay iney loo  baahan yahay in baaritaanka la balaariyo iyadoo ey doonayaan dad badan ey ku tijaabiyaan daawada xameetida.

Daawada insulinka ayaa lagu yaqaanaa in lagu daaweeyo dadka qaba cudurka kaadi sokorowga laakiin dhakhaatiirtan ayaa sheegay in uusan shaki uga jirin iney wax tireyso daaweynta nabarada ka muuqda jirka baniaadamka.

source bbc health news


Custom Search