Raja laga muujiyey talaal lagu la tacaalo HIV Aydhiska!
Baaritaan muddo dheer socday oo ey sameeyeen xeeldheerayaal ka shaqeeya isbitaal ku yaala New York oo lagu magacaabo Rockefeller University ayaa waxaa raja laga muujiyey in mustaqbalka loo helo cudurka dilaaga ah HIV ama Aydhiska talaal looga hortagi karo.
Seynis yahanada ayaa ku ogaaday baaritaan soo socday muddo dheer in unugyada difaaca ee dadka qaar uu iska celi karo cudurkan iyadoo dhowr nooc oo unugyadan ahi (Antibodies) weerar ku wada qaadaan cudurkan is ey uga difaacaan jirta isla markaasna dila Jeermisksa HIV-ga.
Warbixinta oo lagu qoray Jariirada "the Nature" ayaa lagu sheegay in baaritaan ey ku sameeyeen unugyada difaacayaasha dad si caadi ah isaga difaaci kara cudur HIV-ga ama uusan ku dhicinba lagu ogaaday in 433 nooc oo antibodies ah iney inta midoobaan weerar ku wada qaadaan Jeermiska HIV-ga iyagoo isla markaasna dila. Dhakhaatiirta ayaa sheegay in Antibodieskaan eysan keli keli waxba uga qaban karin cudurka islamarkaasana ey u baaha yihiin iney weerar kuwa qaadaan si ey uga guuleystaan.
Dhakhaatiirta ayaa sheegay iney ka raja qabaan in arrintani horseedo talaal looga hortagi karo cudurkan dilaaga ah ee wadamada Afrika fara ba'an ku haya iyagoo sheegay in arrintani keliya ey hadda sheybaarka uun ku shaqeyso laakiin loo baahan yahay in lagu baroobeeyo dad baniaadam ah.
