Dowladda Itoobiya oo shuruudo cusub ku xirtay sii joogitaakeeda Wadanka Somalia: Waa maxay shuruuduhu?

Dowlada Itoobiya ayaa la sheegay iney shuruud ku xirtay sii joogitaankeeda wadanka Somalia kadib markii Wadama badan oo ey ku jiraan kuwa ciidamadoodu joogaan Somlia ey sidaas ka codsadeen. Dowlada Itoobiya oo sheegtay iney ku kaliftay Somalia iney kala baxaan ciidamadooda dhowr waxyaalood oo ey ugu horreyso is qab-qabsiga madaxda DFKG ah iyo dhaqaala la'aan soo food saartay kadib markii mareykanku lacagihii uu u balan qaaday bixin waayey ayaa haatan u eg mid shuruudo cusub ku xirtay sii joogitaanka Somalia iyadoo la sheegay in ey ugu horreeyo in la rido madaxwene Cabdullahi Yuusuf iyo in la siiyo 70 Million Dollar oo horey loogu balan qaaday welina aan la siin.

Ilo wareedyo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dowlada Itoobiya sheegtay in haddii arintaasi la sameeyo ey sii joogi doonaan wadanka Somalia inta laga helayo ciidamo ka socda UN ah ama kuwa ka socda African Unionka sidii ey hore u sheegi jirtay awalba. Arrintan ayaa noqon doonta caqabad horleh oo ku timaadda heshiiski dhowaan lagu saxiixay wadanka Jabuuti oo dhigayey in la dhiso dowlad midnimo Qaran oo ey ka qeyb qaatan dhinacyada isku haya siyaasada Somalia.

Warakan ayaa dowlada Itoobiya la sheegay in si cad ugu sheegtay guddoomiyaha Barlammaanka iyo R/Wasaaraha kadib markii ey ka codsadeen in eysan Itoobiya ciidamadeeda kala bixin Somalia inta laga helayo ciidamo bedela, waxaana la sheegayaa in durba uu dhaq dhaqaaq ka bilowday magaalada Baydhabo taasoo la doonayo in xilka looga xayuubiyo Madaxweyne Cabdullahi Yuusuf oo isagu haatan ku sugan magaalada Garoowe.

Saakay ayey ahayd markii Nuur Cadde soo gaaray magaalada Muqdisho isagoo horey u sii qaaday xildhibaano ku sugnaa magaalada Muqdisho iyadoo la filayo in xildhibaanada haatan jooga magaalada Nairobi na ey soo gaaray Baydhabo maalmaha fooda nagu soo haya.

Si kastaba, dad badan oo Somali ah ayaa arintan cusub ee sii joogitaanka ciidamada itoobiya ey ku riddi doontaa niyad jab xooggan walow dad badan ey saadaaaliyeen ineysan Itoobiya sahalkaas uga baxeyn wadankeena.

Wixi war ah oo dheeraad ah waan soo gudbin doonaa insha allah.

halgankanet@gmail.com


Custom Search