WAR DEG DEG AH: Sheikh Xassan Daahir Aways oo ka tegay Dalka Eriteriya: Xagguu ku sugan yahay?

War aan hadda ka helnay dalka Suudaan ayaa sheegaya in uu sheikh Xassan daahir aways iyo wafdi la socday ey soo gaareen magaalada Khartuum ee dalka Suudan iyadoo la sheegayo inuu halkaasi soo gaaray xalay waqti dambe.

 

 

Sheikha ayaa xalay ka soo tegay  wadanka Ereteriya isagoo soo gaaray dalka Suudan sida aa ka soo xiganay illo ku sugan wadanka Suudan.  Waxaan horey ugu qornay boggan in dhaq dhaqaaq safar u eg uu ka muuqanayo ama laga dareemayo magaalada Casmara ee caasimada dalka Eriteriya lamana oga sababta uu halkaasi uga soo tegay walow loo maleynayo iney la xiriirto dhex dhexaadin uu u tegay halkaasi madaxweyne Albashiir iney la xiriirto.

Dhanka kale, madaxweynaha Somalia ayaa si dadban u sheegay in wadamo walaalo ah ey wadaan dhex dhexaadin isaga oo aan sheegin cidda uu ula jeedo iyo cidda ey ka dhex wadaan midna.

Si kastaba, waxaa loo xaqiijiyey boggan Sheikh Xassan daahir ka soo tegay wadanka Eriteriya isagoo isla maantana soo gaaray magaalada Khartuum ee dalka Suudan wuxeyna sheegayaan warar hoose oo aan heleyno inuu ku wajahan yahay meelo kamid ah dalka Somalia.

Wixii war dheeraad ah iyo halka uu ku  dambeeyo sheikhu kal xiriir halganka.net

http://www.halganka.net


Custom Search