Dhowr daawo oo hal kaabsol laga dhigay(PolyPill) iyo baaritaan lagu sameeyey!

Daawo ka kooban shan daawo oo laga dhigay hal kaabsol loona yaqaano Polypill ayaa la sheegay kadib baaritaan la sameyey iney wax ka tari karto cudurada wadnaha iyo Saska(stroke).

Baaritaankan oo ey sameeyeen dhakhaatiir u dhashay dalka India ayaa lagu ogaaday in qaadasha daawadan ey yareysay cudurada loogu talagalay 80%(sideetan boqolkiiba) waxaana sidoo kale la ogaaday in la isla wada qaadan karo iyadoo horey looga baqayey in dhibaato ey la yimaadaan dhowrkan daawo oo lagu mideeyey hal kaabsol.

Haddaba PolyPillku muxuu ka kooban yahay?

PollyPillku waxaa uu ka kooban yahay dhowr daawo oo loogu tala galay dhammaantood cudurada wadnaha waxaana loogu tala galay dadka ka badan 55 sano oo iyagu halis u ah cudurkan. Waxaa kamid ah daawayaasha Aasbariin(Asprin) oo dhiiga khafiif ka dhiga, daawo loo yaqaan Station oo ka yareysa xeyrta dhiiga (cholesterol), iyo sedex daawo lagu daaweeyo Dhiig karka(blood pressure) oo kala ah ACE inhibitor, a beta-blocker and a diuretic.

Waxaa sidoo kale kamid ah sida lagu sheegay maqaalka maadada loo yaqaan  folic acid oo la ogaaday inuu inuu yareeyo falgalaha loo yaqaan homocysteine oo dhiiga laga helo kaasoo isna sababa cudurka wadnaha.

Si kastaba, dhakhaatiirta sameeyey baaritaanka ayaa ogaaday in dhowrkan daawo la isugu geyn karo hal kaabsol iyagoo sheegay inuu wax weyn ka tari karo ka hortaga cudurka iyo Wadanaha iyo Saska.

Laakiin dhakhaatiir kale oo ka horyimid fikrada PolyPill ka ah ayaa waxa ey ku andacoonayaan ineysan habooneyn in qaab-nololeed (life style) laga dhigto daawo iyagoo sheegay in cuduradan la soo sheegay uu yareyn karo jimicsigu iyo in la cuno cunto nafaqo leh oo xeyrtu ku yartay waxeyna sheegay in la khatar loo yahay in dadku in fariistaan iyaga oo aan sameyn wax dhaq dhaqaaqa ama jimicsi ah.

Si kastaba, fikradan ah PollyPill ayaa la isku raacay iney wax weyn ka tari doonto caafimaadka guud ee dalka iyadoo sidoo kale ka kooban daawooyin rakhiis ah oo horey loo isticmaaali jiray iyadoo haatana la ogaaday in la isla wada qaadan karo.

halgankanet@gmail.com


Custom Search