Yididiilo laga muujiyey daawo loo helo dhego la'aanta
Daawo loo helo dhagoolanimada ama dhega la'aanta ayaa la sheegayaa iney soo dhowaatay kadib markii ey seynisyahanno soo bandhigeen baaritaan ey ku sameeyey Unugyada asalka ah ee is tara(stem cell research).
Unugyada Asalka ah ee is-tara (stem cells) ayaa ah kuwa qabyo ah oo aan dhameystirneyn noqona kara xubin kasta oo kamid ah jirka baniiaadamka ka hor inta eysan is roggin. kuwan loo rogay xubnaha maqalka ee dhigaha dhexdooda ayaa waxaa la sheegay in laga farsameeyey xinjir dad ah aan noola ahayn( foetuses) kaasoo ahaa 11 asbuuc.
Cilmi baaristan oo ey maalgelisay urur u dooda dhegoolayaasha dalka UK ayaa waxaa lagu sheegay in daawo laga farsameeyo ey ugu yaraan qaadan doonto toban sanadood iyagoo intaasi ku daray iney rajeynayaan in daawo cusub loo heli doono dhego la'aanta.
Horjoogaha baaritaankan Dr Marcelo Rivolta ayaa yiri " Unugyada cusub ee aan sameynay waxey noo sahlayaan inaan helno teknoologiyo cusub oo aan ku gaarsiino daawo xubnihii baa'bay ee dhegaha dhexdooda ah sida durbaanka maqalka"
Si kastaba, dhakhaatiirtan ayaa ka digay in ey waqti dheer oo 10 sano ugu yaraan ah ey qaaedan doono daawo loo helo dhego la'aanta iyagoo sheegay iney haatan bilaabeen iney baroobo ku sameyaan maqalka xayawaanka.
