Aanba Dhindhee, Xaan ku dhindhay. Ayax tag eelna reeb
Col Yusuf oo muddo ku dhaw 40 sano duurka ugu jiray inuu mar uu madaxweyne soomaaliyeed noqdo ayaa maanta ka haajiray rugta saldhiga u ahayd muddo 3 sano iyo dheeraad ah. Col Yusuf waxaa uu bilaabay socdaalkii madaxweynanimo raadinta ahayd 1965. Waxay taariikhdu qoraysaa inuu si kasta oo ay ula muuqatao inuu uga miro dhalin karo socdaalkiisaa inu sameeyo kuna dhaqaaqo.
Waxaa uu isku dayey inqilaab qabiil ku dhisan isaga koox jifadiisa ah, laakiin nasiib wanaag waa u suurtoobi wayday. Wuxuu col-naylku u baxsaday wadanka Itobiya oo uu maamulayey taliskii Mingistu. Mingistu waa uu rabay inuu helo rag soomaali ah oo Jaajuusiin ah, oo uu ku hubeeyo cadawgiisa Koobaad ee ka talinayey wadanka Soomaliya hoganna uu u ahaa Allaha u naxariistee Gen. Maxamed Siyaad.
Markay heshiis wada gaareen Madaxweyne Siyaad Barre iyo Mingistu, Col Yusuf waxaa lagu ridayey xabsi uu beer xanuun ka qaaday, isagoo ku jiray ilaa iyo intuu Mingistu wadanka ka cararayey.
ku dheeraan maayo sheekada iyo taariikh nololeedka Col yusuf, bal aan u soo dhaco dulucda maqaalkaan gaaban. Meles Zenawi Waxaa uu ku doortay Col Yusuf inuu yahay ninka kaliya ee garanaya danaha Itoobiya ay ka leedahay Somaliya, isla markaasna si aan xishood iyo sariigasho lahayn ugu fulinaya.
Markii Baydhabo la keenay Col-ka waxaa uu bilaabay dagaalo lagu laayey kumanaan soomali ah oo aanan waxba galabsan, laguna bara-kiciyey caruur, haween, waayeelo aanan haysan cid u muqan, isagoo mar-marsiiyo ka dhiganayo argagixiso ayaa Muqdisho joogta.
Arin iska cad bay ahayd: Maxaa muqdisho kaliya argagixisada geeyey? awa wadanka intiisa kale. Col-ku wuxuu si aad ah ugu mashquulay laynta dadka Soomaaliyeed iyo raali galinta Itoobiyaanka. Col-ku xishood darro daraadeed wuxuu ka sariigan waayey xaruntii gaashaandhiga oo sal-dhig ay ka dhigteen Itoobiyaanka iyo amar inuu ka qaato wiil yar (Gen gabre) oo dhashay waagii halganka madaxnimo doonka ah bilaabay.
gunaanadkii aniga shakhsi ahaan waxaan oran karaa col-ku waxaa kaliya uu qabtay dad badanna waa laayey, Amxaarana waxaa uu baray jidka loo soo maro Soomali. (Cigaal shiidaad waxaa uu yiri, sooxaanyo kama baqine waxaan ka baqayaa in afkayga iyo sanka dhexdooda ay halaqyo mareen moqdaan).
bal u fiirso akhristow, 40 sano col-ku muxuu ku dhintay, muxuuse raadinayey? Waa su'aal qof kasto uu is waydiin karo. Qofka bini-aadamka ah marka hore waxaa loo abuuray inuu alle caabudo. marka xigta inuu dunida uu ku nool yahay wax wanaagsan oo ku dayasho leh ku soo biiriyo.
Wuu iloobay marka hore waxa loo abuuray: waa kii aragagixiso ku sheegay ragga diinta alle u saaxiibka ah. marka labaad wax ku wanaagsan oo ku dayasho leh oo uu ifka soo saa'idiyey ma garanayo. Akhristow adaa sheegi doona.
Gunaanadkii Col-ka 90-jirka ah waxaan oran karaa abuuristiisaba khasaarayba ahayd. laakiin ilaahay isagaa garanaya ujeedada uu C/laahi Yuusuf iyo dad la mid ahba uu u abuuray. Inay cibraqaadasho tahaana laga yaabaa.
Waxaan kula talinaya kuwa wali jidkiisa oo kale wax ku raadinaya inay ku cibra qaataan Col-kaas maradu ka dhacday. Allena ka baqaan oo ka shaqeeyaan wanaaga oo kaliya.
scw
"Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darnaan jiraye, bal dayooy dayuuskii wa-kaa sii dabayshadaye"
Xasan G. Maxamed
maxamedgxas@yahoo.com
Vancouver, British Columbia, CANADA
Fikirkan qoraha ayuu u khaas yahay
