Tartamo Lagu Xusaayay Aabihii Isboortiga Soomaaliyeed Nuur Jenyo oo lagu soo gabagabeeyay Magaalada Muqdisho
Waxaa la soo gabagabeeyay Tartamadii Ciyaareeyd ee kala duwanaa laguna maamuusayay Halyeeygii Weynaa ee Aabihii Isbootiga Soomaaliyeed Marxuum Nur Xuseen Abdi Nuur Jenyo , kaas oo uu soo Qabanqaabiyay Gudiga Olombikadda Soomaaliyeed .
Munaasabad Balaaran oo ay ka qeyb galeen Kumamaan ruux oo ah taageerayaasha Isboortiga Dalka, Mas'uuliyiinta Qeybaha kala duwan ee Isboortiga Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Banaadir iyo Madax kale ayaa lagu qabtay Ex- Luujino ee degmadda C/Casiis ee Magaaladda Muqdisho
Tartamadaan Isboorti ee lagu weeyneynayay marxuum Nuur Jenyo, ayaa waxaa uu soo Bilaawday 2dii Bishaan Luulyo, waxaana si rasmi ah loo soo gabagabeeyay 16-kii bishaan oo ku beegneyd shalay galab 2008da.
Tartankii ugu dambeeyay oo ay iskaga horyimaadeen labadda kooxood ee kala ah Kooxdda Heegan iyo Kooxdda Dekadaha, ayaa waxaa furitaankeedii ka hadlay Gudoomiye ku-xegeenka Gudiga Olombikadda Soomaaliyeed ahana Gudoomiyaha Xiriirka kubadda Kolayga Md Aadan Xaaji Yabarow Wiish, godoomiyaha Gudiga Olombikadda Soomaaliyeed Cabdulqaadir Gacal Abkow, Agaasiamaga guud ee wasaaradda Warfaafinta iyo dhalinyaradda iyo Isboortiga Cabdirisaaq Cali Yuusuf Bahlaawi iyo Ex Ciyaartoygii weynaa Saciid jaamac Qoorsheel oo ahaa Wasiirkii hore ee Wasaaradda Isboortiga Puntland iyo Xubno kale, kuwaas oo si weyn ugu dheeraaday taariikhdii halyeey Marxuum Nuur Xuseen Cabdi (Nuur Jenyo) iyo kaalintii uu ku lahaa isboortiga dalka Soomaaliya.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in marxuum Nuur Xuseen Nuur Jenyo uu maanta isboortga dalka uu kaga jiro Baaldahab ah Qaf kasta oo dadaalana ay sidaan oo kale taariikhdu u xusi doonto Sida Nuur Jeenyo oo kale.
Tartankii ugu dambeeyay ee lagu soo gabagabeynayay ciyaarahaasi ayaa waxaa isku Haleelay Labadda Kooxood ee kala ah kooxda Dekadaha iyo kooxdda Heegan , taas oo aheyd mid aad iyo aad ay xamaasadeedda u sareysay ayaa waxay labada kooxood muujiyeen dardar gelin xoogan, iyadoo ay Goroonkana ay soo buuxiyeen Kumanaan ruux oo kala taageerayay labadda kooxood , waxaana gabagabadii ay guusha ku raacday kooxdii dakadaha oo kaga guuleystay kooxda Heegan 71-dhibcood iyo 69-dhibcood.
Tartanadaan oo soo bilaawday 2-dii bishaan ayaa waxaa isku haleeyay 9 Xiriir oo kala ahaa Xiriirka kubadda Cagta, Xirrika Kubadda Kolayga, Xiriirka Kubadda Laliska, Xiriirka Kubadda Miska, Xiriirka Karateyga, Xiriirka Feerka, Xiriirka Ciyaaraha Fudud, Xiriirka Teeniska Dheer, Xiriirka Handiboolka , waxaana ciyaartii Kubadda Cagta ku guuleysay Kooxdda Elman oo 2 iyo 1 kaga adkaatay kooxdda Daallo, halka handboolkana ay ku guuleysteen Kooxdii ku ciyaareysay Nation Link oo ku adkaatay 19-iyo 12-oo ay kaga adkaatay kooxdii Halgan.
Guud ahaan tartamadaan lagu maamuusayay halyeey Marxuum Nuur Jenyo waxay ahaayeen kuwo ay si weyn u soo dhaweeyeen bulshadda jecel isboortiga, mudadii ay socdeena waxaa galab kasta u daawasho tagi jiray kumanaan ruux oo aad iyo aad u jilbeysnaa waxayna ku soo gabagabnoowday sidii loogu talagalay, waxaana munaasabada lagu gudoonsiinaayo abaalmarinadda kooxihii guuleystay la qaban doonaa maalmaha soo socdda haddii Alle idmo, iyadoo loo sameyn doonno munaasabad balaaran oo lagu weyneynaayo halyeeygaasi Nuur Jenyo.
