Arrin cajiib ah oo fajac ku abuurtay dad badan oo maanta ka dhacday Baydhabo!

Kadib markii halgan siyaasadeed dad Somaliyeed galeen afkana ciida loogu daray damacii siyaasadeed ee Itoobiya ka lahayd in doorasho lagu qabto magaaalada Baydhabo si loo caleemo saaro qaar kamid ah ragii soo geliyey wadanka cidamadooda ayaa waxaa maanta ka dhacay Baydhabo wax naf la caarinimo u eg oo

 

 

loogu diidayo in qaar kamid ah xildhibaanadu ka baxaan magaalada Baydhabo.  War uu maanta akhriyey ninkii Cali maxamad Geedi u qaabilsanaa kicinta gobolka Bay iyo Bakool C/rahmaan Macallin ayaa sheegay inaan loo ogolaan doonin iney ka dhoofaan garoonka diyaaraha ee Baydhabo xildhibaanada u dhashay gobolka Bay iyo Bakool isaga oo ku andacoonaya inaan qabiilkoodu shuqul ku lahayn dib u heshiisiinta ka socota magaalada Jabuuti.

Warkaan oo sida is ka cad Itoobiyaanku lug ku leeyihiin ayaa ah mid fajac ka abuurtay dad badan oo Somali iyagoo la yaabay iney dagaal oogayaasha wadankeena kharibay wax kasta ka suurtoobaan iyagoo adeegsanaya ciidama shisheeye oo ey maciin bideen.

Go’aankani ay soo saareen Maamulka Gobolka Bay ayaanan la ogeyn saameynta uu kuyeelan doono Xildhibaannada Baydhabo kusugan lakin waxaa iska cad haddii ay sii joogaan xittaa in aysan buuxin Karin Kooramka Baarlamaanka uu ku dooran karo Madaxweyne maadaama Aadan Madoobe uu weli ku mintidayay in Baydhabo doorashada ay ka dhacdo uu haatan joogo Jabuuti. Wararka la isla dhexmarayo ayaa sheegaya in looga dan leeyahay in doorashado dib uga dhacdo 26 January kadibna la iclaamiyo in Barlamaankii burburay wax dowlad la yiraahdo ama barlamaana uusan jirin.


Custom Search