Caruurta Somalida ee ku dhashay wadamada reer galbeedka oo Cudurka loo yaqaan Autism ku fara ba'an ku hayo
(hoos ka daawo)Cudurka loo yaqaan Autism ka ahna mid aan soomalia laga aqoon ayaa fara ba'an ku haya dhalaanka Somalida ee ku dhashay wadamada Reer Galbeedka iyadoo meelaha ugu badan oo laga sheegayo iney ka mid tahay gobolka Somalidu degto, Manisota ee cariga mareeykanka.
Cudurkan ayaa waxaa la sheegay inuu aad ugu dhaco ilmaha Somalida badanaa iyadoo la la yaaban yahay weli waxa sababay. Waxaa ka sii yaabiyey khubarada cudurkan ku takhasusay, sababta uusan ugu dhicin ilmaha Somalida ah ee aan ku dhalan wadamada reer galbeedka iyagoo yarna la keenay haddii uu yahay cudurkan wax la xiriira Talaalada badan ee ilmaha lagu duro.
Cudurkan ayaa sidoo kale lagu arkay ilma badan ee Somaliyeed oo ku dhashay wadamada reer galbeed, sida Sweden iyo Ingiriiska iyagoo sheegay ilmaha qaba cudurkan ee Somalida asalkoodu yahay inuu gaartay heer abademic ah oo aad u sareeya.
Hadaba waa maxey cudurkan maxaase keena?.
Cudurkan waxaa adag in la qeexo sida uu yahay sababtoo ah dadka qabaa si aan isku mid ahayn ayey u dhaqmaan laakiin waxyaaba lagu garan karo waxaa kamid iyada oo ilmuhu uusan hadlin ama hadlo laakiin uu sheego wax aan macna lahayn, Ilmaha oo qaabku uu ka dhumo iyagoo hadba dhan u carara, madaxana derbiyada ku dhufsada iyo waxyaaba badan oo kuu u muuqan kara inuu cunugu u sameynayo si kas ah, idigoo mararka qaar arka ilmaha oo aan warkaadaba meel ka soo qaadeeyn isagoo sameynaya wixii aad hadda u sheegtay inuusan sameyn.
Si kastaba ha ahatee waxaa iyana sidoo kale laga soo sheegayaa ilmaha asalkoodu yahay Itoobiyaan oo ku dhashay wadanka Yahooda inuu ku dhaco cudurkan iyadoo ilmihi yaraan ku yimid na eysan qabin cudurkan.
Dowlada Sweden ayaa sheegtay in loo maleynayo inuu keeno cudurkan vitamin D la'aan hooyada ku dhacay marka ilmuhu uurka ku jiro waxeyna ku dhiiri gelinayaa in hooyooyinku qaataan Vitimin D dheeraad ah marka ey uurka leeyihiin iyagoo sheegay in hooyooyinku ka yimideen wadamada Kuleyl ah eyna yimaadeen meela aad u qabow jirkoodu uu u bartay Vitimin D badan oo ey siin jirtay qoraxdu, laakiin khubara badan ayaa iyagu ka muujiyey diidmo airntaas iyaga oo sheegay in loo baahan yahay baaritaan dheer oo lagu sameeyo arintan.
Waalidiinta Somalida ah ayaa iyagu aaminsan in cudurkan uu ku keenay ilmahadooda Talaalada tirada badan ee ilmahooda lagu duro iyagoo aad u yar oo aan xamili karin balse ilamaha cadaanka ee wadamadan ku dhashay iyagaba waa lagu duraa talaaladan tirada badan. Waxaa sidoo kale shakiga sii badiyey kadib markii Dr khabiir ah uu sheegy in xiriir ka dhaxeeyo talaalada MMR ka iyo cudurka Autism ah uuna sheegay in loo baahan yahay in dhowr mar lagu duro ilmaha si jirkoodu isag difaaco taasoo sababtay in hooyooyin badan u diidaan in ilmahooda in la talaalo khaasatan wadanka Ingiriiska oo war bixinta khabiirka lagu daabacay.
Si kasta ha ahaatee khubaradu waxey leeyihiin wax caddeyn ah looma hayo inuu ka dambeeyo talaalku faafida Cudurka waxeyna ku taliyeen in la talaalo ilmaha haddii kale ey soo noqonayaa cuduradii lagu dagaalamayey.
